dahabshiil

War Deg Deg Ah:Mareykanka Oo Xayiraad Saaray Sheekh Xasaan iyo Culimo Kale.

Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogtay dhowr qof oo Soomaali-Kenyan ah iyo qaar kale oo Soomaali ah, sababo la xiriira inay taageeraan kooxaha argagixisada.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay la wareegi doonto hantida dadkan, islamarkaana ka manuucday dadka Mareykanka inay wax xiriir maaliyadeed ah la sameeyaan shaqsiyaadkan.

Liiska dadka la xayiray ayaa waxaa ku jira Sheekha caanka ah ee Sheekh Xasan Xuseen Aadam. Waxaa sidoo kale ka mid ah Sheekh Xasan Cumar, Xasan Mahad (Cumar) iyo Xasan Mahad. Dadkan ayaa dhammaantood ah Soomaali-Kenyan.

Waxaa sidoo kale liiska ku jiray Cabdifatax Abubakar Cabdi oo loo yaqaan (Muhaajir Musa) oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo degan magaalada Mombasa.

Dhammaan hantida dadkan ay ku leeyihiin Mareykanka, haddiiba ay jirto, ayaa la xanibay.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale liiska madow ku dartay hay’adda Al-Xaramayn ee fadhigeedu yahay magaalada Gaarisa.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa bishii April xayiraad saartay Xaliima Aadan Cali oo ah Soomaali-Kenyan kadib markii lagu eedeeyey inay 150,000 oo dollar ay u dirtay dagaal-yahannada Daacish ee ka dagaalama Libya, Syria iyo Bartamaha Afrika, ayada oo marineysa xawaaladaha.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=17717

Posted by on Sep 27 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841