Deg Deg Daawo:Farmaajo Isku Dhiibay Kenya Kadib Markuu Waxba Ka Qaban Kari Waayay Jubaland,

Wadahadallo saddex geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayaa kusoo idlaaday is faham.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.

Farmaajo oo hore isagu u Kiciyay xiisadan siyaasadeed ayaa In Badan waxaa uu ku adkaysanaayay in uusan wax wadahadal ah la galay kenya, inta Kiiska Badda Uu meel udhacaayo balse waxaa muuqata intaasi beenowday oo Kenya uu si sahlan ugu gacan galay.

Dawlada kenya ayaa in badan raadinasay in Arrimaha soomaaliya iyo Kenya lagu dhameeyo wadahadal u dhexeeya kenya iyo soomaaliya balse taasi waxay ka socon waday dhanka Farmaajo, oo ku adkaysanaayay in Uu Ka war sugaayo Go aanka Maxkamada,

Xog aanu helnay ayaa sheegaysa in Farmaajo ay dani ku khasbntay in Uu Kenya Sacabada Hoorsado kadib markii u ku fashilmay in u wax ka qabto Xaalada Jubaland