Xilligii Cali Khaliif Raysal wasaaraha ahaa ayaa wargeys ka soo baxa magaalada Kanbala waraysi la yeeshay ,wuxuu ku tilmaamay nin aqoonyahan ah oo aqoon badani ka muuqato, waxayse warbixintu daaranayd in aanu arrimaha hareerihiisa ka socda weelayn karin.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Xilligaa dad badan Cali Khaliif waxay u arkayeen in uu u dhaqmayo sidii oo uu yahay Raysal wasaare dawlad rukunnadeedii oo dhami u taagan yihiin, Muqdishaba hal Hutel ayuu ka deganaa tikniko lagu ilaaliyo, wuxuuse u dhaqmi jiray sidii oo uu yahay Raysal wasaaraha Ingiriiska, xilligaas oo dadku dawlad u xiisa qabeen Cali Khaliif odayaal badan ayaa ku hubgoobay oo qaarkood dooneen in ay soo salaamaan, qaarna talo siiiyaan, kuwana soo bideen gargaar, xilligaas uma baahnayn buug balan lagu qoro, laakiin Cali Odayaal badan ayuu ku celiyey maxaad iga soo doonteen ma balan ayaa kuu taalay, marka si loo eego balantu waa muhiim, laakiin marka si kale loo dhigo xaaladdu dalku jiray qalbi soo jiidasho badan ayaa loo baahnaa, iyo odayeen.

Rag maanta aan la arki karin oo Villla Somalia xukuma ayaa xilligaa kulanka uu Cali ku qabto Hutelada wadamada geeska Afrika ee uu markaa booqashada ku joogo sida luubaanka ugu wareegi jiray, laakiinse Cali arrimo badan kaga waaqicisan, arrimo kalena ay iskaga mid ka yihiin.

Cali Sanad xilkii muu hayn hore ayuu u socday, hadduu Cali Xilligaa u dhaqmi lahaa qaab ceelka guntiisa ah wax badan ayuu guula ka gaadhi kari lahaa , haddana wuxuuba joogaa oo ka hawisayaa saxaraha afrikada waqooyi isaga oo gaadhi qabaal ah saaran oo aan jiheeyana haysan.

Madaxweyne Farmaajo si lama filaan ah ayaa isaga iyo saaxiibadii muufadoodu maraq ugu dhacday, amarka ilaahay waxaa u sawirmay in ay qalbi ahaan joogaan Soomaaliyadii 1974, waxayna sooba dhaweynayaan madaxdii Afrikaanka ahayd, laakiinse waaqici ahaan waxay joogaan Muqdisho oo nabad galyeedu tahay tan adduunka ugu hoosayasa, wasiir Makhaayad kaligii isagoo lugaynaya ama gaadhigiisa wata kama shaahayn karo, safiirna isaga iyo qoyskiisu kuma noolaan karaan, macalin ajnabiya reerkiisa ma keensan karo.

Sadexdaa sanno ee tagtay xukuumadda waxaa u taalay xasilinta Muqdisho, taas ayaa lagu guul daraysatay oo Muqdisho waxa kaliya ee socdaa tahay Bajaaj, waxayna ahayd arrimihii uu madaxweyne Farmaajo balan qaaday xilligii doorashada, maantana Muqdisho waddooyinkeedii waa wada xidhan yihiin marka loo eego xukuumadihii ka hooreeyey, cashuurtana waaba lala qaybsadaa oo labada dawladood ayaa Muqdisho ka jirta, waana markii ugu horaysay oo Muqdisho laba cashuurood laga qaado, arrinahaas ayaa u baahan in laga midho dhaliyo, intaan diyaarado meelo kale u hayaamaya la xakamayn , awlawiyaat waa in ay jiraan.

Sidaas oo ay tahay ayaa ragga ugu dhawdhaw madaxweyne Farmaajo ay ka mid ahaayeen kuwii dagaaladii Saliid qaarkood ka qayb galay kuwana dirqi looga soo reebay, Baladxaawo iyo Luuqna hormuudka ka ahaa, Maxkamadihii iyo ururadii ku hoos jirayna halbawlayaal u ahaa, sidaas daraadeed talada ku hareeraysan madaxtooyada fudeyd kama madhna.

Soomaaliya madaxweynuhu waxa kaliya ee uu si rasmiya u xukumaa waa Villa Soomaaliya, dalka intiisa kale gacan uguma jirto, waaqicu wuxuu ina odhanayaa xikmad, adayg , dabacsanaan ,madaxda oo akhrida xaaladda ayaa lagu maamuli karaa dalka iyada oo aan sida gorayada labada indhood oo kaliya camuuda inta la gashado inta kalena banaanka taalo, way adag tahay in dib madaxweyne Soomaaliyeed oo awood lihi dalka u xukumo, Soomaaliya oo dhana way adag tahay, Farmaajo iyo madaxweynaha 10 ee ku xigidoonaa in uu xukumi karo Soomaalida Jabuuti iyo Kenya u dhaxaysa, laakiin xaqiiqadu waxay tahay madaxweyne Farmaajo iyo ragga ay muufadu maraqa ugu wada dhacday Villa Somalia meel ka fog inta xilka uga hadhay si dhamaystiran uma gaadhi karaan, waxayse u baahan yihiin talooyin, laga-lama bakhayleen laakiinse waanay qaadanayn.

Aragtiday labadaa odayba xilligoodii way ka soo hor mareen waaqiciyiina may noqon.