Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
Deg Deg:Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Oo Ku Wajahan Kismaayo,Iyo Qorshihii Digteytar Farmaajo Oo Socon Waayay!
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo xubno wehlinayaa ayaa lagu wadaa iney saacadaha soo socda u duulaan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya
Mas’uuliyiintan ayaa sida uu qorshuhu yahay waxay diyaarad ka soo raacayaan magaalada Nairobi si ay u gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah,maadama la joojiyay duulimaadyadii Kismaayo Muqdisho ka aadi jiray.
Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh ayaa laga hor istaagay iney diyaarad ka qaado magaalada Muqdisho ee geyso Kismaayo oo balantu ahayd iney ka qabsoonto xafladda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe iyo xulafadiisa ayaa ka fikiraya qorshe kale oo wafuuda ka qeyb galeysa xafladaasi ku soo gaari karaan magaalada Kismaayo maadama la xayiray diyaaradii magaaladaasi tagi jiray.
Dowladda Federaalka ayaa maalintii shalay ahayd gabi ahaanba joojisay duulimaadyadii tegi jiray magaalada Kismaayo laga bilaabo 23-ka ilaa iyo 26-ka bishan.

Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.