Deg Deg Daawo:Xildhibaan Raasas La Dhacay Dad Dibadbaxayaal ah,

Labo ruux ayaa ku dhaawacantay xabado uu riday xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanaaka dalka Haiti ee qaaradda Ameerika kadib markii ay dibedbaxayaal mucaarad ah ay soo buux-dhaafiyeen xarunta baarlamaanka dalkaasi ee magaalada Port-au-Prince.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaankan oo lagu magacaabo Jean Marie Ralph Féthière ayaa rasaasta uu riday waxaa ku dhaawacmay nin wariye ah iyo ruux kale, kuwaas oo la sheegay in dhaawacyadoodu ay fudud yihiin.

Rasaasta uu riday xildhibaanka ayaa ka dambeysay kadib markii tiro dibadbaxayaal ah oo diidanaa guusha iyo ku dhawaaqista ra`iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi ritz William Michel, waxaana xildhibaankani uu bannaanka baarlamaanka kula kowsaday dibadbaxayaasha oo uu uga cabsaday nafsaddiisa.

Dalka Haiti oo ku yaal qaaradda Ameerika ayaa ka mid ah waddamada ugu saboolsan caalamka.