Deg Deg Daawo:Beesha Jaamac Siyaad Oo Ka Hadashay Qisaastii Gobolka Sool Maanta Ka Dhacday

Waxaa maanta deegaanka Yaaheel ee Gobolka sool ,ka dhacday Fal Qisaas ah oo dhexmaray Beelaha Barkad iyo jaamac Siyaad.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhawaan ayay ahayd markii Askari kasoo jeeda Beesha jaamac Siyaad, uu dil Toogasho ah ku dilay Isla askari kasoo Jeeda Beesha Barkad, gudaha laascaanood.

Hadaba Beesha Jaamac Siyaad, ayaa maanta Usoo gacan Galisay Beesha Barkad, Gacan Ku Dhiiglihii dilka hore u geestay iyadoona isla Maantaba ay Beesha Barkad, Qisaastay.

Hadaba odayaashii jaamac siyaad, ee Dhiibay Gacan Ku Dhiiglaha la qisaasay ayaa sheegay in ay U Gacan Galiyen Reerkii ninku ka dhintay wiilkii Wax dilay iyana ay qisaasten islamarkaana saas uu ku dhamaaday dhibkii dhacay,

Ugu Danbayn waxay ku wargaliyen odayaasha Jaamac siyaad, in qofkasta is ilaalsho oo ogaado in Saas oo kale Loo Qisaasi doono.