600 Deg Deg:Yuusuf Garaad”Yaan La Sahlan Hadalka Sheekh Shariif” | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Yuusuf Garaad”Yaan La Sahlan Hadalka Sheekh Shariif”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa durbo ka falceliyey shirkii jaraa’id ee uu maanta qabtay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo si adag uga hadlay is hortaagii shalay loogu geystay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Yuusuf Garaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in hadalka Sheekh Shariif uu arko mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado.

“Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed waxaan hadalkiisa u arkaa mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado. Wax ma dhimi karo dad baa leh. Laakiin ma dooneyo in taas la isla gaaro.” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wxuuu intaas ku daray in aan loo baanheyn in looga sii daro hadalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Ma ahan in la dheyelsado mana ahan in looga sii daro.” ayuu markale yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Ugu dambeyn wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah u xaliso khilaafka kala dhexeeya Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaan Dowladda ugu baaqayaa, ayada oo danta guud ka eegeysa, in ay dhakhso u xalliso khilaafkaan oo ah mid markii horeba laga baaqsan karay.” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey, Mudane Yuusuf Garaad wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...