Deg Deg Daawo::Sheekh Shariif Oo War Culus Ka Soo saaray Falkii Foosha xuma ee Lagu Xanibay,

Xisbiga Himilo Qaran ayaa war kasoo saaray arintii maanta lagu sameyay Madaxwayne hore shariif Shiikh Axmed oo looga hakiyay safar uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa cambaareeyay is hortaagii sharci darada ahaa ee maanta lagu sameeyay Wafdigii Xisbiga Himilo Qaran ee ku sii jeeday magaalada Kismaayo oo uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa u tacsiyadeeyay dhammaan shacabkii rakaabka ahaa ee ku qornaa diyaaraddii ka amba bixi lahayd kuna sii jeeday magaalada Kismaayo dhibaatadii lug-gooyada ahayd ee loo geystay.

Ugu dambeyntii, Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga digay iney sii wado faragelinta guracan ee ay ku heyso Dowlad Goboleedyada ku takri falka awoodeed