600 Daawo:Sheekh Shariif Oo Si Adag U karbaashay Farmaajo”Tani Wey Burburaysa” | KHAATUMO NEWS

Warning: Use of undefined constant newstheme_menucat - assumed 'newstheme_menucat' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/assets/dropdown.php on line 3
dahabshiil

Warning: Use of undefined constant newstheme_activate - assumed 'newstheme_activate' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 2

Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21

Daawo:Sheekh Shariif Oo Si Adag U karbaashay Farmaajo”Tani Wey Burburaysa”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay is hortaagii shalay lagu sameeyey, xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay baal marayaan shuruucda dalka, halkii laga rabay inay ilaaliyaan dastuurka u yaalla dalka.

“Inta jeer ee madaxda dowladdu garab mareen sharciga u yaal dalka xisaab maleh.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay u siman yihiin sharciga, islamarkaana haddii uu ka duuli karo garoonka uu isna ka dhoofi karo, taasna ay xaq u siineyso muwaadinimadiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale uu intaas ku daray in dowladdii KMG aheyd, islamarkaana uu Madaxweynaha ka ahaa ay dadaal badan ku bixsay Garoonka Aadan Cadde, kuna guuleysatay dhowr sano kadib in ugu yaraan diyaaraduhu ay ka soo dagaan.

“Garoonka ay intaas iga soo gashay, haddii la ii ogolaan waayey, yaa loo ogolaanayaa?.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in hay’adaha dowladda aysan madax banaaneyn, sida Baarlamaanka oo uu tilmaamay in uusan laheyd awoodii looga baahnaa.

Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay dowladda amniga, dhaqaalaha iyo dastuurka oo uu sheegay in dhamman ay ka gaabisay, taasi bedalkeedna uu xusay in ay xooga saartay dagaalka ay kula jirto siyaasiyiinta mucaaradka.

Shariif ayaa sidoo kale su’aal galiyey, sida mustaqbalka Farmaajo iyo Khayre loougu aamini karo dalka, gaar ahaan doorashada 2020-ka, maadaama buu yiri ay iyagu hareer marayaan shuruucda dalka.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay xiriirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, isagoo sheegay inuusan jirin maamul madax banaan oo xiriir la leh dowladda dhexe.

“Jubbaland isma hayaan, Puntland isma hayaan, Galmudug waxa ka socda waan ognahay, HirShabelle waxa ka socda waan ognahay, Baay iyo Bakool waxa ka dhacay waan ognahay.” ayuu markale yiri, Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka.

Xiisada dowladda iyo Sheekh Shariif ayaa ka dhalatay, kadib markii shalay loo diiday inuu u duulo Kismaay oo uu doonayey in uu kaga qeyb galo caleema saarka Axmed Madoobe.


Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Loading...

Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86

Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Ciidanka SNM iyo kuwo dhulbahante ee ushaqeeya oo Dagaal Qarka usaaran Jiida Tukaraq
- Mar 1, 2021
Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in xiisad dagaal ka ...
Deg Deg Daawo:-Faysal cali Waraabe afka furtay
- Mar 1, 2021
https://youtu.be/YMAwC1iPVJA
Deg Deg Daawo:Mareykanka Oo Xayiraad saaray dhaxal sugaha Sacuudiga
- Feb 27, 2021
Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee ...
Daawo: Prof Buuba Oo Hargaysa Kaga Dhawaaqay in Somalia Aan la kala jari karin
- Feb 27, 2021
"Soomaaliya ma kala go'i karto,." Prof Buuba oo Hargeysa kula hadlay saxaafadd Dr. Ismail Hurre ...
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...