600 War Deg Deg Ah::Xukumadda Farmaajo Oo Dafirtay Go’aankii lagu Xanibay Shariifka iyo Wasiiro Ugu Tagay Hoygiisa. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah::Xukumadda Farmaajo Oo Dafirtay Go’aankii lagu Xanibay Shariifka iyo Wasiiro Ugu Tagay Hoygiisa.

War hadda naga soo gaardhy guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegaya in halkaas ay tageen wafdi ka socda dowladda Farmaajo oo uu hoggaaminayo wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Wafidgan ayaa ka codsaday Shariif Sheekh Axmed inuusan warbaahinta kala hadlin xayiraaddii maanta laga saaray inuu u safro magaalada Kismaayo, si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Shariif ayaa goor sii horreysay u yeeray warbaahinta, waxaana la filayey inuu qabto shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo wixii maanta dhacay.

Wasiir Ducaale, oo ay isku beel ah yihiin Shariifka , iyo xubno la socda ayaa madaxweynihii hore ka codsaya in la xalinayo wixii maanta dhacay islamarkaana uusan hadlin inta ka horreysa, ayaga oo ka cabsi qaba in hadalkiisa uu dhalin karo xiisad cusub.

Xubnahan Farmaajo Usoo Diray inay Soo Maslaxan Sheekh Shariif Ayaa Sheegay in amarka lagu joojiyey diyaaraddiisa ay ahayd mid aysan dowladda oo dhan isku raacsan tahay, islamarkaana ay baarayaan cidda bixisay.

Waxaa hadda la filayaa in warbaahinta uu la hadlo guddoomiyaha xisbiga Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran, ayada oo Shariifna laga yaabo inuu hadlo kadib marka ay dhammaadaan wada-hadallada uu la leeyahay dowladda.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...