Go aankii Farmaajo Ku Xanibay Shariifka Wuxuu Lamid yahay Go ankii Siyaad Barre Ku Amray Diyaaraddii Hargaysa Ka Duushay Ee Hadana Hargaysa Rushaysay Kadibna Lasoo Riday’,

Muqdisho{ Khaatumonews }Waxaa maanta Magaalada Muqdisho, caasimada soomaaliya ka dhacay Fal yaab Galiyay Soomaali badan islamarkaana Dib u xasuusisay soomaalida Kala yaaci iyo Burburkii Xukamadii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre,

Sanadku markii uu ahaa 1988 ayaa Xiliga Magaalada Hargaysa, waxaa ka jiray Kacdoon shacabka oo Looga soo hor jeeday dawladii Maxamed Siyaad Barre.

Iyadoo la heli karo xal kala duwan oo lagu xaliyo ama looga hortago Kacdoonka Hargaysa, ama Beesha Isaaq, wado,waxay Xukumadii Siyaad Barre, Talo ku gaadhay iyadoo Quudhsanasa ama Isleh Inta kale ee kacdoon damacsan Cashar ha u Ahaato in Diyaaradihii dagaalka ee Loogu talo galay in Cadowga Lagu Laayo in Ay Ka Duulaan Hargaysa Islamarkaana Dib u Rusheeyan Tii Ay ka duulen,!!

Qorshaha Diyaaradda loogu rusheeyay Hargaysa, waxaa uu ahaa labo qodob oo ah in la soo afjaro kacdoonka iyo in ay cashar u noqoto kuwa damacsan kacdoon kan lamid ah.

Nasiib daro diyaaradii iyo xukumadii awooda badneedba dhulka laga saaray Hargaysana, waxaa u hadhay kuwii laquudh sanaayay diyaaradiina waxaa soo riday shacab waana Tan xiligan astaan ahaanta usaaran Hargaysa.

Dhacdadan ka dhacday Maanta muqdisho, ayaa lamid ah diyaaradii Hargaysa ka duushay ee misana dib uduqayasay.

Sheekh Shariif Axmed, Madaxwyenihii hore soomaaliya, waxaa uu ahaa masuulkii Masraxa siyaasadda soo saaray Farmaajo, soomaalidana Baray Farmaajo.

Sheeikh shariif ayaa maanta Kii uu baray Siyaasadda ee uu soo saaray Masraxa waxaa uu iska hortaagay Duulimaad uu ku tagilaaha Kismaayo.

Isku soo wada duubo Talaabadan Farmaajo Ku Xanibay Socdaalkii Kismaayo, ee Sheeikh Shariif ayaa Ujeedkiisu ahaa in Ay digniin u Noqoto Siyaasiyiinta, kale Xamar, ku sugan Ee Doonaya in ay Ka qeyb galan Caleema, saarka Axmed Madoobe.balse Farmaajo Meeshaba Masoo Dhigan Maxaa ka dhalan kara ama ka danbayn doona sidii Uusan Siyaad Barre-ba Uga Fakarin Duqee mooye maxay ku danbayn,

 51 total views,  1 views today