Daawo:Farmaajo Weerar Ku Qaaday Ganacsatda Soomaalida,”Hoyga Musuq Maasuqu Waa Gancsatada”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa ee labada heer.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiixay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu saxiixay Sharciga ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto la dagaalanka musuq-maasuqa.

Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed kala shaqeynta in lasoo afjaro musuq-maasuqa.

Hoos Ka Daawo Qudbadii Uu Farmaajo Ka jeediyay Madasha,