600 War Deg Deg Ah:Qarax Xoogan Oo Ka Dhacy Muqdisho, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Qarax Xoogan Oo Ka Dhacy Muqdisho,

Muqdisho{ Khaatumonews }Gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goor dhaw ku qarxay Isgoyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay meel aad u mashquul ah ayaa waxaa ka dhashay khasaare is kugu jira dhimasho iyo dhaawac, inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhaawacantay ilaa hada, waxaana jira dad ku dhintay oo aan wali la xaqiijin taradooda rasmiga ah.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa gaari NOAH ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay afaafka hore ee hotel cusub oo ay ka socotay munaasabad  xariga looga jarayay, waxaana halkaas ka agdhaw goobo kale oo ganacsi, kuwaas oo uu soo gaaray burbur, waxaana goobta ka dhaceysa rasaas goos goos ah.

Sidoo kale qof goobjoog ahaa xiliga uu qaraxu dhacayey ayaa sheegay in ay arkayeen gaadiid uu dad ku dhex jiro oo gubanaya, ruuxa goobjoogaha ah waxa uu sheegay in sigaar ah ay in dhihiisu u qabteen labo mooto Bajaaj oo gubanaya dadkii la socdayna ay ka dhex qeylinayeen.

Ugu Danbayn Waxaa jira warar sheegaya in gaariga qarxay oo mudo kooban taagnaa meesha uu ku dhex jiray ruuxii watay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...