War Deg Deg Ah:Beesha Jaamac Siyaad Oo Fashilisay Qorshe SNM Waday,

maqal iyo muuqaal Wararka

Magaalada laascaanood caasimada gobolada SSC habeen hore waxaa weerar qorshaysan uu askari ka soo jeeda Beesha jaamac siyaad oo ka tirsan maleeshiyada snm uu weerar ku qaaday laba Ruux oo ka soo jeeda Beesha Barkad iyado labada Ruux midna dhintay midna dhaawac noqday.

Hadaba qorshahan oo maamulka SNm soo abaabulay ayaa ujeedkiisu ahaa in colaad laga dhex huriyo beelaha jaamac siyaad iyo barkad sidoo kale waxaa qorshaha Labaad ee Dilkan Ahaa in socdaal la sheegay in muuse bixii ku imaanaayo laascaanood In lagaga mashquullo xiisadan dilka ah si aan carqalad loo galin socdaalka muuse biixi ee Sool.

Askariga geestay dilka ayaa ka baxsaday Markiiba gudaha laascaanood balse waxaa durbadiida ka daba tagay Beesha uu ka soo jeeday iyadoo ku guulaysatay maanta inay ku qabato deegaanka Canjiid ee gobolka sool.

Hadaba markii beeshu gacanta ku soo dhigtay gacan ku dhiiglihii waxaa soo weeraray maleeshiyad snm, ah oo damcay in ay xoog uga qaadan Beesha Jaamac Siyaad si labada beelood iskugu dhacaan Oo Gacan ku dhiiglahana ay jeel ugu haysan snm.

Beesha jaamac siyaad ayaa Weerarkii uga yimid meeshiyada SNM iska waabisay waxayna haatan gacanta ku hayan dhagarqabihii snm, soo dirtay iyadoo beeshu go aansatay in xaalada dilkan iyo arrintiisa aan lagu galin meel snm joogto islamarkaana waxaa ay haaatn qorsheenayaan beelaha Hawshan dhexmartay in ay Ku Xaajeestan Meel ka baxsan Laascaanood si aanay snm uga faa iidaysan,

Isku soo wada duubo Maamulka SNM Oo Inta badan Abaabula Colaada ka dhex dilaacda beelaha Dhulbahante ayaa haatan waxaa fashiliyay isku daygii ugu danbeeyay beesha jaamac Siyaad oo iska fahantay Dabka ay SNM Ku Qabano nabada iyo Xasiloonida Beesha,