Daawo:Farmaajo Oo Soo Xidhay Shirkii Beelaha Galmudug iyo Cabudhin ka Dhacday.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qaybgalaya munaasabad lagu soo xirayo Shirwaynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ka socota magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa Munaasabada ka qeyb galaya Madaxweynaha iyo madaxa Xukuumada Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Shiikh Maxamed Shaakir, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada federaalka, odayaasha ka qeyb galay shirkii dib u heshiisiinta Galmudug iyo qeybaha bulshada.

Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa si weyn loo adkeeyey iyadoo gaadiidka laga joojiyey wadooyinka ku dhow goobta ay munaasabadu ka socoto, iyadoo ciidamada dowlada oo aad u qalabeysan ay amniga sugayaan.

Dhinaca kale, Telefishinada Soomaalida oo uu ku jiro telefshinka ku hadla codka dowlada ayaa laga joojiyey in toos looga daawado Munaasabadda xiritaanka Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ka dib markii Guddiga qabanqaabada ay diideen in si toos ah loo tabiyo munaasabadda.

Sababaha keenay arrintan ayaa lagu tilmaamay cabsi laga qabo in qaar ka mid ah odayaasha iyo Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya munaasabadda xiritaanka inay jeediyaan khudbado xanaf leh inta ay socoto tebinta tooska ah.

Weriyeyaasha warbaahinta madaxa banaan ayaa sidoo kale loo diiday iney goob-joog ka noqdaan muuqaalana ka duubtaan munaasabada, marka laga reebo warbaahinta dowlada, waxaana loo sheegay in marka ay dhamaato xaflada la siin doono muuqaalada la duubay oo la soo tifaftiray.

Shirweynaha dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo 5-tii bishan uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddo 10 cisho ah socday, waxaana Ergooyinka ka qeyb galaya ay ka yeesheen doodo kala duwan oo la xiriiray sida dadka ka soo jeeda Galmudug maamul ay u dhan yihiin u yeelan lahaayeen.