Maamulka Somaliland ee ku sugan Gobolka sool waxaa u maalinba madaxa isku galinaya Beello kamid ah Beelaha wada daga Gobolka Sool gaar ahaan Beelaha Dhulbahante,
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Laascaanood Hore waxaa Colaad daba dheeraatay Ku Dhexmartay Beelaha Qayaad iyo Bahrarsame waxaana colaadaasi Shidaayay maamulka Somaliland.
Dhanka kale waxay Somaliland Colaad Ka dhex Hurisay Beelaha Ugaadhyahan Dhexdooda coladaasi oo iyana galaafatay waxgaradkii Beelaha Ugaadhyahan.
Mudo Badan waxaa ay somaliland isku dayday inay colaad Dhex Dhigto jaamac Siyaad iyo Ugaadhyahan Balse dilal faro badan oo ka dhacay Kadib maysan Suuro galin.
Dhanka kale Hada waxaa muuqda qaab Somaliland Colaad uga dhex hurinaso Jaamac Siyaad iyo Barkad marka la eego Sida Sahlan ee Dilalka qorshaysan ay u dhacayan.
Mudo aan ka badneen 8 bilood Ka hor ayaa deegaanka Yagoori waxaa lagu Dilay Taliye ka tirsa Maleeshiyada Mahad Cambaashe kaaso ka soo Jeeday Beesha Barkad waxaana dilay Isla Askari ka tirsan maleeshiyada Mahad Cambaashe oo jaamac siyaad, ah wax ka dhexeeyay majirin oo dhib ah Taliyaha la dilay iyo askariga dilay wuxuuna ahaa dil qorshaysan.
Waxaa Xasuus Mudan Inta Badan in Colaada dhulbahante ay dhex dhigto somaliland in ay ka dhex bilowdo kuwa ushaqeeya ee askarta u ah,
Beelaha Barkad iyo Jaamac Siyaad waxay ku dhameeyen Dilkii hore uga dhacay Yagoori in Nabad galyada la adkeeyo laguna kala samro dilkaasi.
Xalay mar kale waxaa sidii si lamid ah askari Beesha jaamac siyaad ka soo Jeeda uu si Badheedh ah u dilay isla askari ka soo jeeda Beesha Barkad oo wax dhib ahi aanay dhex oolin sidoo kalana waxaa uu dhaawacay nin shicib ah oo isla Beesha Barkad ah
Mala odhan kara Dilalkan aan sababta lahayn ee soo qonqonayaa waxay keeni karan colaad ay soomaliland Doonayso in ay ka dhex hurro Beelaha Barkad iyo Jaamac Siyaad?
Si kastaba ha haate Maamulka Hargaysa ayaa Halis u arka nabada Beelaha dhulbahante dhexdooda taalla in ay keeni karto halis islamarkaana taas badelkeeda waxaa ay somaliland dajisay qorshe ah in Dhulbahante Reerba reer lagu Dhufto si Beesha isaaq haysashada dhulka ssc uu ugu sii hirgalo,
Warar Sugan Khaatumonews.com
