Deg Deg::Xafiiska Khyre Oo Qadiyadda Gooni Goosadka SNM Ka Socoto,

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Abuukaato Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa la rumeysan yahay inuu weli yahay mid hankiisa aan ka go’in ictiraaf la siiyo SNM,

Deegaan ahaan waxa uu kasoo jeedaa Mr Khadar SNM,waxaana ilo lagu kalsoon yahay ay xaqiijiyeen in Xubnaha beesha caalamka markii uu si gaar ah ula kulmo uu ka dalbado inay Aqoonsi raadinta SNM ka shaqeeyaan.

Tani waxay marag ka tahay sida xubnaha Dawlada Dhexe ku jira Ee SNM kasoo jeeda dhowr mar ay ku goodiyeen inay SNM iyo Deegaankoodii ku laabanayaan hadii Xaqa ay leeyihiin dadka Deegaankaasi lasiin.

Wasiir Maareeye iyo Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaana ka mid ah Feylasuufyada ay Qadiyada SNM weli ka go’in maankooda kuwaas oo muujiya inay aaminsan yihiin Jamhuuriyad la hor istaagay SNM,

Hadaba kulan gaar ah oo saacado ka hor ka dhacay Muqdisho ayaa waxa yeeshay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed Khadar iyo Safiirka Midowga yurub Ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

Kasokoow inay ka hadleen Arimaha Xiriirka Dawlada Dhexe iyo EU waxa kale oo ay isla soo qaadeen Arinta SNM iyo sida ugu macquulsan ee loo Aqoonsan karo,sida ilo lagu kalsoon yahay Xaqiijiyeen.

SNM ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka go’day Sanadkii 1991-kii balse ilaa xilligaas ma aysan helin Ictiraaf Caalami ah,Dalkii ugu dambeeyey Ee la aqoonsaday waxa uu ahaa Koonfurta Sudan Oo 2011-kii dunida lagu biiriyey Dalalka ka jira.