600 Deg Deg:Safaradda Somalia Ee Kenya Dacwadd laga Gudbiyay iyo Wararkii Ugu Danbeeyay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Safaradda Somalia Ee Kenya Dacwadd laga Gudbiyay iyo Wararkii Ugu Danbeeyay,

Sharikad qaabilsan dhismaha oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa dacwad ku soo oogtay safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Sharikadda ayaa sheeganeysa in lacag ka badan $200,000  oo doollarka Mareykanka ah ku leedahay safaaradda kaddib markii ay dayactir ku sameysay.

Doodda ayaa ka dhalatay kaddib markii mid ka mid ah shaqaalaha sharikaddaas uu safaaradda tagay isaga oo Dukumiintiyo la xiriirka kiiska dacwadda ka soo dhameynayay uu ku dooday in la xiray lana jirdilay.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa Wargeyska The East African u sheegay in uusan jirin qof la jirdilay ama la xiray isaga oo xusay in safaaraddo aysan lahayn qolal wax lagu xiro.

Sharikadda Dhismaha ee Kingsley, ayaa ku doodeysa in safaaradda Soomaaliya oo ay dayactir ku samyesay ku leedahay lacag dhan $226,318 oo doollar taas oo ku baxday dayactirka safaaradda.

Kingsley ayaa dacwaddeeda ku sheegtay in heshiiska dayactirka dhismaha safaaradda iyo Guriga Lower Kabete  oo ay Dowladda Soomaaliya ku leedahay Nairobi heshiiskeeda saxiixday sanadkii 2016kii.

Maamulaha sharikadda dhismaha Everlyne Mutungi , ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya joojisay dhismaha kaddibna sharikad kale siisay qandaraaska si ay u dhameystirto 20% oo ah inta kka dhiman.

Safaaradda Soomaaliya ayaan si rasmi ah uga jawaabin dacwadda maxkamadda marka laga reebo beeninta in la jirdilay lana xiray mid ka mid ah shaqaalaha sharikaddaasi oo ku dooday in gudaha safaaradda lagu jirdilay.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa amar ay soo saartay ku joojisay in wax dhisme ah aan laga fulin karin Guriga Lower Kabete ilaa amar dambe.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...