Deg Deg Daawo:Dhaawaca Nabadoon Qalyare Oo Muqdisho La Keenay,

maqal iyo muuqaal Wararka

Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar oo Habeen Hore y lagu dhaawacay magaalada Kismaayo ayaa galabta la keenay magaalada Muqdisho kadib markii Nabadoonka ay dhaawac halis ah ugaysteen dablay,

Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar ayaa Nabadoonimadiisa ka sokow ka tirsan Golaha isbadal doonka garabka ka soo horjeeda Axmed Madoobe wuxuuna ahaa shaqsigii soo magacaabay gudigii doorashada ee soo doortay Golaha baarlamanka iyo Madaxweyniyaasha Seeraar iyo Xidig ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar ayaa dhaawac halis ah ka soo gaaray meelo badan oo jirkiisa ah waxaana ku dhacay Afar xabadood iyadoo loo soo qaaday Magaalada Muqdisho haatan kuna jira laguna dhabiibayo Caafimaadkiisa mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.