War Deg Deg Ah::Nabadoon Caawa Lagu Dhex Toogtay Kismaayo,+Walwalka Xidig iyo Seerar.

maqal iyo muuqaal Wararka

Salaadii maqrib ka dib ayaa magalada Kismayo gaar ahaan maqaayada lagu magacaabo Qandal ee xaafada calanleey waxaa lagu dhaawacay Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ah xunbin sare oo kamid ah Isbadal doonka Jubbland ee Axmed Madoobe ka soo horjeeda wuxuu ahaa Abuukaatahaas ladhaawacay shaqsigii soo magacabay gudoomiyaha Gudigii dorashooyinka garabka Isbadal doonka ee Kismaayo sidoo kale waa nabadoon siweyn looga yaqaano magaalada Kismaayo Abuukaataha lagaarsiiyay dhaawaca culus.

Dhaawaca Abuukaate Axmed Jaamac ayaa waxaa fuliyay seddax askari oo ku labisana Tuutaha Ciidanka Jubbaland sida ay xaqiijiyeen shacabka Kismaayo gaar ahaan dadkii kula sugnaa maqaayada Qandal ee Abuukaataha lagu weeraray.

Sida laxaqiijiyay Abuukaataha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus waxaana dhaawaciisa lagu dawaynayaa Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo ka dib markii kooxda weerartay ay ku dhufteen Afar xabadood oo ka haleelay qeebaha sare ee jirkiisa.

Weerarka Abuukaate Axmed Jaamac lagu dhaawacay caawa magaalada Kismaayo ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii shalay Axmed Madoobe oo shirjaraa’id ku qabtay Kismaayo ku dhawaaqay in cid asaga ahayn magaca Madaxweynaha Jubbaland sheegan karin sidoo kalana joogi karin magaalada Kismaayo kuwa sheeganaya magaca hogaanka sare ee Jubbaland maalmaha nagu soo aadana howlgal looga saarayo kuwaas Kismaayo laga fulinayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kuwada sugan seddax siyaasi oo sheeganaya Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo labo Gole Baarlamaan waxaana kala hogaaminayo Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) iyo Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Cabdirashiid Maxamed Xidig oo isku garab ah ka dib markii seddaxdoodaba ay sheegeen in sifo sharci ah lagu doortay ayna doorteen Gole Baarlamaan oo sharci ah