Deg Deg Daawo:War Cusub Oo looga Dhawaaqay Dhuusamareeb,

Wakaaladda wararka Warqaad ayaa waxay si rasmi ah u ogaatey magaca loo bixin doono war-murtiyeedka kasoo baxaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee mudada todobaadka ah ka socda magaaladda Dhuusamareeb.

Shirkaasi ayaa waxaa caasimadda dowlad goboleedkaasi ka furay todobaadkii lasoo dhaafay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo shaaciyey in lagu dhisi doono maamul mideysan oo la shaqeeya dowladda.

Kulanka oo haatan heer gaba gabo ah maraya ayaa waxaa laga soo saarayaa dhamaadkiisa war-murtiyeed kaasi oo sida aan xogta ku helnay loo bixi doono magaca “Heshiiska Beelaha Galmudug”.

Guddiga dib u heshiisiinta ayaa mudadadii uu shirku socday waxay ka qoreen dhinacyadda kala duwan ee ka qeybgaleysa tabashooyinkooda iyo waxyaabaha ay arkaan in ay xal u noqonayaa Galmudug mideysan.