Daawo:Dhaawaca Dadkii Gorgorku Cunay Oo Burco La Keenay Iyo War Cusub Oo Soo Kordhay.

Magaalada Burco Xarunta Gobolka Togdheer waxaa la soo gaadhsiiyay Caruur uu cunay Haadka loo Yaqaan gorgorka kuna cunay Gobolka Jarar ee Dawlad Deegaanka soomaalida itoobiya.

Gorgorkan ayaa laba Caruur ah Midna Dilay midna dhaawac ahaan kaga Baxsaday waxaana Burco la keenay Wiilkii dhaawac ahaan uga baxsaday Gorgorka.

Dhanka kale wararka maanta naga soo gaadhaya Jarar ayaa sheegay in La dilay Gorgorkaasi oo mudo halis ku ahaa dadka deegaanka.