600 Deg Deg::Puntland Oo Amaro Culus Ka Soo Saartay Garoowe, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::Puntland Oo Amaro Culus Ka Soo Saartay Garoowe,

Taliska guud ee ciidamada booliska Puntland ayaa awaamiir ka soo saaray ammaanka guud ee deegaamada Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe.

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Puntland Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin culus ka soo saaray dadka qoryaha ku dhex wata magaalooyinka, isagoona sheegay in ciddii qori magaalada kun dhex wadata lagala wareegi doono.

Muxuyadiin Axmed Muuse, wuxuu ciidanka amar ku siiyey inay qoryaha ka qaadaan askarta aan howlgallada kujirin ee hubka la dhex qaada magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Dhanka kalena, taliska ciidanka Puntland ayaa mam noocay in qaadka lagu iibiyo qaar kamid ah wadddooyinka hal-bowlaha u ah magaalada Garoowe si loo ilaaliyo ammaanka iyo bilicda caasimadda.

“Laga bilaabo 11-ka bisha September magaalada laga bilaabo barlamaanka ilaa Rugsan, ilaa dhinaca kale u leexo Wadada Meeraysane (Dr Jimcaale) ilaa jidka Sodonka intaa qaad laguma qadi karo marfashna lagama samayn karo, cid walba oo halkaa wax u yaaliin waa inay ka qaadataa waayo waxaa ka timid amni xumo”, ayuu yiri Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse.

Taliyaha ayaa digniin u diray waalidiinta dhalay dhalinyarada caadaystey inay falalka ammaan xumo ka geystaan magaalada Garoowe, isagoona ugu baaqay inay qabsadaan haddii kale aysan hadhaw ka aqbali doonin inay xabsiyada uga daba yimaadaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...