600 Buuhoodle Waa Xorre Maxaa U Diiday Khayre iyo Farmaajo,Iyagoo Meello Ka Halis Badan Tagaya”Wax Badan Agow Akhristow, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Buuhoodle Waa Xorre Maxaa U Diiday Khayre iyo Farmaajo,Iyagoo Meello Ka Halis Badan Tagaya”Wax Badan Agow Akhristow,

Magaalada Buuhoodle Caasimada Gobolka Cayn Islamarkaana ah Magaalada kaliye U Madax Banaan Reer SSC ama Khaatumo ayaa shacabku is weydiinaayan Sababta Xukumada Nabad iyo Nolol U Gadoomisay

Buuhoodle Waaa magaalo ay ku nool yihiin Shacab aad u badan waa magaalo dhexdeeda ay joogan ciidan lagu qiyaasay 4000 Afar Kun oo askari iyo Hub aad u badan

Buuhoodle waxaa Jooga shacab ,ciidan,Waxgarad u Hamuun qaba dawlad soomaaliyeed

Shacabka Buuhoodle waxaa soo weeraray 2012 Maamulka somalialnd oo Sadex sano dagaal culus ku hayay si Ay ugu darsadan Dhulka kale SSC balse dagaalkaasi Somaliland way ku fashilan tahay Guushuna waxay Raacday Shacabka Buuhoodle oo aan taageero ka helayn Dawlada soomaaliyeed,

Buuhoodle waxay kale Meel iska taagtay in ay ugacan gasho taladeedu cid aan ahayn reer buuhoodle maadaba difaaceeda dad badani u dhintay.

Shacabka Buuhoodle Markii ay gadoomisay somaliland islamarkaana Deegaanada Ku Xeeran ay Maleeshiyaad uga qortay somaliland beelaha dagan ee yagu Gunimada Raalida ku ah waxay layimaaden shacabka Buuhoodle Qorshe ah in La sameeyo Garoon Diyaaradeed.

Reer Buuhoodle waxay samaysten Garoon Ay ku ciil Baxeen islamarkaana isku Xidha Buuhoodle Iyo Caalamka walow Garoonku yahay Mid Dayrkiisu yahay Ood Dhabada Diyaaradu ku orodana tahay Dhoobo iyo dhagxan La isku Dhajiyay taasna waa Daruufta Taagan oo Buuhoodle Maysan Helin cid ka taageerta Garoon caalami ah dhismihiisa ,

Xukumada Nabad iyo Nolol oo Rajo weyn ay ka qaben reer Buuhoodle May awoodi waayin in ay Garoonka Buuhoodle u dhisto Reer Buuhoodle,Maysam Awoodi waayin In Ciidamada 30 Sano magaalada Joogay ee Iska diiday somaliland iyo puntland inay Ugu Abaal gudo Inay Diiwangaliso kana dhigto ciidan soomaaliyeed,

Nabad iyo Nolol Madaxdeedu maysan awoodi waayin in ay Socdaal ku yimaadan Buuhoodle iyagoo meelo ka halis badan Ku tagaya socdaal waliba aan laga rabin.

Hadaba waxaa IS weydiin Mudan waxay tahay sababta Buuhoodle Ay iskaga indho tirayso xukumada Nabad Iyo Nolol.

Waatan jawaabtu markii aan tuujiyay Maskaxdeyda.

Dawlada Ay Hogaamiyaan Farmaajo iyo khayre Siyaasad ahaan waxay Shacabka Khaatumo ka jecel yihiin kuwa somalidiidka ah waxayna markasta raali galiyaan Kuwa somalidiidka iyagoo iska ilaalinaay waxkasta oo cadho galinaya somaliland.

Nabad iyo Nolol Waxay u aragta Buuhoodle Degmo aan samayn badan u lahayn siyaasad ahaan balse xaga kale ee Wadani nimada ah iyo Qadiyada deegaanka ka taagan kumaysan xushmay shacabka Buuhodle,

Farmaajo iyo khayre waxay Cabsi siyaasadeed ka qaban haday tagan Buuhoodle in Somalidiidku ka xanaaqdo socdaalkooda islamarkaana waxaa uu cabsi ka qaba Farmaajo xildhibaanada somalidiidka ah ee Fadaraalka ku jira in ay siyaasad ahaan ka horyimaadan xukumadiisa sida darteedna waxay ka doorbiden Khayre iyo Farmajo Intii sawaxan Siyasaadeed ay ku dhalin lahayd Gacan galinta Buuhoodle inay iska Gadoonsanaato maadaba ay tahay Degmo aan Wax macno ah iyaga siyaasad ahaan ugu fadhiyin.

Hadaba Akhriste Reer Buuhoodle Oo Hore Labada maaml ee somaliland iyo puntland u gadoomiyen Ma la odhan Kara Xukumada Nabad iyo Nolol Waxay kamid noqotay Maamulkii sadexaad ee Gadoomiyay Buuhoodle.

Isweydiintu waxay tahay maxaan ku taageera Nabad iyo Nolol Anigu mar hadiiba Jiritaankayga aysan aaminsaneen oo igu raali galinaso Maamulo kale?

Kala Soo Xiriir Xafiiska Khaatumo News Whats Apka Numberkiisu yahay,+46735769421

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...