Daawo:Waa Is Xigay Muqaalkii Farmaajo Iska Duubay iyo Guuldarada Dhalintu Abaabulay?

Koox Dhalinyaro ah uu Farmaajo abaabulay islamarkaana uu ugu yeedhay Xulka Soomaaliya ayaa ka hadhay isreebreebka Koobka Adduunka ee wadamada Afrika ka dib markii ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay Zimbabwe kulankii lugta labaad ee ka dhacay magaalada Harrare taasoo ka dhigeysa in wadar ahaan ay labada lug ku soo dhamaatay 3-2 oo ay xulka Zimbabwe ku soo baxeen.

Farmaajo Oo kooxdan abaabulay islamarkaana ka Abaabulay Wadanka dibadiisa si uu doorashada danbe ugu ololeeyo hadii ay guul usoo hooyan ayaa Lagu Karbaashay 3 Gool Taaso Ka dhigan Fashil soo Wajahay Xukumada Abaabushay Dhalintaasi.

Farmaajo ayaa ka hor intii aysan Ciyaartan lagu karbaashay Bilaaban Waxaa uu Khadka taleefoonka kala hadlay dhalinyarada uu abaabulay isagoona muqaal iska duubay markii uu la hadlaayay dhalintaasi taaso muujinasa qaabka uu farmaajo u siyaasadeenaayo Ciyaartaasi.