War Deg Deg Ah:Dawlada Qatar Oo Lacag Culus Siisay Alshabab iyo Xukumada Somalia Wax ka Ogow.

Dowladda Qatar ayaa lacag boqolaal kun oo dollar ah siisay dagaalamayaasha Al-Shabaab oo dhawaan hakiyay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, sida ay ogaatay Khaatumonews.

Al-Shabaab ayaa todobaadyo ka hor joojiyay dhismaha wadadaan kadib markii ay u hanjabeen shaqaalaha dhismaha iyo shirkadda qandaraaska qaadatay.

Warbaahinta ayaa ogaatay in lacag ka badan nus milyan ay Al-Shabaab ka qaateen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar oo maamulaya dhismaha wadadaan, si loo fasaxo islamarkaana dib loogu billaabo. Lacagta ayaa la rumeysan yahay in lasoo mariyey shirkadda dhiseysa waddada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in hadda ay dib u bilaabatay dhismaha waddada, islamarkaana ay dowladda Qatar bixisay lacagtaasi.

Qatar waxay lacagtaan bixisay kadib markii ay shaqada socon waysay, waxaana sidoo kale Dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in lacagta la bixiyo maadaama aysan awoodin ilaalinta wadada haddii la dhiso iyo inta dhismaha socdaba, iyo xaqiiqda ah inay dooneyso in waddada la dhiso.

Al-Shabaab ayaa shirkadda dhismaha wadda u sheegay in wadadaan aysan dhisnaan doonin hadii ay shaqada dhamaato, sidoo kalane ay soo weerari doonaan inta shaqada socoto waxayna arintaasi sababtay in dhismaha istaago.

Lacagta iminka Qatar ay siisay Shabaab, iyo eedeymaha la xiriira ku lug lahaanshaha weerarkii bishii May ee Boosaaso, ayaa sii kordhinaya tuhunka laga qabo in Qatar ay mala-geliso argagixisada.