Deg Deg:Al-shabab Oo Joojisay Mashruuc Dawladda somalia waday

Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda qaadatay qandaraaska lagu dhisayo Garoonka Ciyaarada ee Stadium Muqdisho ayaa xaqiijiyay in amar kasoo baxay Ururka Al-Shabaab lagu joojiyay guud ahaan dhismihii Garoonka.

Al-Shabaab ayaa ku amray shirkadda ay dowladda federaalku siisay qandaraaska lagu dayactirayo garoonka  in ay joojiso dhismaha ay ka wado halkaasi.

Shaqaalaha ayaa sheegay in mid-mid loola soo xariiray iyadoo loogu goodiyay in la dilayo haddii ay soo xaadiraan shaqada dhismaha garoonka. Waxaa sidoo kale amar la siiyey madaxda shirkadda.

Talaabadaan ayaa sababtay in gabi ahaanba uu joogsado dhismihii dib u dayactirka ee ka socday garoonka Stadium Muqdisho.

Sidoo kale xubnaha ka tirsan shaqaalaha shirkadda ayaa xiqiijiyay inuu socdo wada hadal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo mas’uuliyiinta shirkadda oo doonaya in ay wada xaajood la galaan  Al-Shabaab, si loogu fasaxo dhismaha ay qandaraaska ku qaateen ee ka socday garoonka cayaaraha.

Garoonka ayaa waxaa hadda dagan ciidamo Boolis ah, kuwaas oo u babac dhigi waayay hanjabaada Al-Shabaab kaga imaaneysa shirkadda iyo shaqaaleheeda ku howlanaa dhisnmaha garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqduisho.

 46 total views,  1 views today