Deg Deg Daawo:Maamulka JEEGAANTA Oo Soo Saaray Amar Qosol Badan,

Maamulka Jeegaanta ee uu hogaamiyoMuuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saartay, isla markaana ku dhawaaqday amaro cusub oo ka dhana dowladda federaalka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka warfaafinta Somaliland oo maanta kulan la yeeshay madaxda telefishanada madax banaan ee ka howl-gala gudaha maamulka Somaliland, ayaa wuxuu faray in xiliga war-tebinada ay soo hor-mariyaan wararka Somaliland, isla markaana ay wararka Soomaaliya raaciyaan kuwa kale ee dibada.

Awaamiirtan uu maanta ku dhawaaqay wasiirku ayaa waxa dhaqan-galkooda ay Wasaaradda Warfaafintu u muddaysay mudo dhan labo todobaado oo ka bilaabaneysa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/09/2019-ka, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka warfaafinta Somaliland.