600 Deg Deg Daawo:Alshabab Oo Ka Hadashay Xiriirka Ka Dhexeeya Somaliland, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Alshabab Oo Ka Hadashay Xiriirka Ka Dhexeeya Somaliland,

Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland Sarreeye Gaas yaasiin Cumar Dheere oo saaka warbaahintai faahfaahsan uga warbixiyay socdaal uu maalmihii la soo dhaafay ku soo maray talisyada kala duwan ee ciidamada Puntland ku leeyihiin gobolka Sanaag iyo buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo yar oo Somaliland kaga harsanaa degmooyinka Badhan iyo Dhahar ay diyaar u yihiin in ay ka soo baxaan kadib markii ciidamo badan oo Somaliland hore uga tirsanaa oo halkaasi ku sugnaa ay dhammaan ka soo ku soo wareegeen dhinaca Puntland.

Gobollada Badhan iyo Hayland u malayn maayo in askari ciidamada gobolladaasi waqooyi ku jiray uu hambaynaayo kulli waa soo galayaan” ayuu yiri Gen yaasiin Cumar Dheere

Dhinaca kale taliyaha ayaa ku celiyay eedayn culus oo uu dhowaan u jeediyay Somaliland oo ahayd in ay Al-shabaab is-bahaysi la’ yihiin waxaana uu tilmaamay in xubno ka tirsan Al-shabaab oo la qabtay ay qirteen in ay Somaliland is-bahaysi la yihiin.

Wuxuu intaasi raaciyay in kadib markii la wareystay xubnaha Al-shabaab ee Puntland qabatay ay sheegeen in ay saad iyo taakulo ay ka keeneen Somaliland ay u wadeen Shabaabka Galgala ku sugan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...