600 Daawo:Muuse Biixi iyo Safiirka Somalia Ee Uk Oo Arrimo Badan Kawada Hadlay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Daawo:Muuse Biixi iyo Safiirka Somalia Ee Uk Oo Arrimo Badan Kawada Hadlay,

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo gaaray Hargeysa.

Danjire Ben Fender iyo Muuse Biixi ayaa ka wada hadlay xiriira a xoojinta xiriiraka Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyey taageerada ballaaran ee ay la barbar taagan yihiin maamulkiisa, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xiriirka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay.

Ugu dambayntii waxa ay Muuse Biixi iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxiixdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxiixdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Somaliland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...