600 War Deg Deg Ah:Madaxweynaha Mareykanka Oo Dagaal Iclaamiyay Ka dhan Ah Ururka Taalibaan. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Madaxweynaha Mareykanka Oo Dagaal Iclaamiyay Ka dhan Ah Ururka Taalibaan.

Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu joojiyay heshiis nabadeed oo uu dalkaasi la galay ururka Taalibaan.

Mr Trump ayaa waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay farriin uu ku sheegayo inay aheyd inuu Axadda kula kulmo Madaxweynaha Afgaanistaan, Ashraf Ghani, iyo hogaamiyayaal sarsare oo Taalibaan ka tirsan.

Hasayeeshee waxa uu baajiyay shirkaasi ka dhici lahaa Camp David kaddib markii Taalibaan ay sheegatay inay ka dambaysay weerrar dhawaan ka dhacay magaalada Kaabul kaas oo uu ku dhintay askari Ameerikaan ah.

Ninka Mareykanka u qaabilsan wadaxaajoodka Zalmay Khalilzad ayaa waxa uu Isniintii ku dhawaaqay in ‘mabda’ ahaan’ heshiis nabadeed lala gaaray Taalibaan.

Waxa ayna middaasi timid kaddib wadahadallo sagaal wareeg galay oo u dhaxeeyay Mareykanka iyo xubno matalayay Taalibaan, kulamadaas oo ka dhacay magaalada Dooxa, ee caasimadda dalka Qatar.

Heshiiska qabyada ah ayaa waxaa ka mid ah, in Mareykanka uu muddo 20 todobaad gudahii ah uu dalka Afghanistaan kala baxo 5,400 oo askari. Sikastaba xaalku ha ahaadee, Mr Khalilzad ayaa sheegay in meelmarinta ugu dambaysa ee heshiiskaasi uu go’aankeeda leeyahay Mr Trump.

Mareykanka ayaa haatan waxaa dalkaasi ka joogta ku dhawaad 14,000 oo askari.

Khamiistii ayey aheyd markii gaari ay Taalibaan ka soo buuxiyeen walxaha qarxa ay ku qarxiyeen magaalada Kaabul halkaas oo ay ku dhinteen 12 qof oo mid uu ahaa askari Ameerikaan ah.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu dilay askari u dhashay dalka Romania oo la shaqeynayay howlgalka Nato ay horkacayso ee dalkaasi ka shaqeeya.

Weerrarka ayaa waxa uu bannaanka soo dhigay cabsida ah in wadaxaajoodka u socda Mareykanka iyo Taalibaan uusan soo afjari karin qulqulatooyinka maalinlaha ah ee dalkaasi Afgaanistaan iyo dhibka soo gaaraya dadka rayidka ahba.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...