600 Deg Deg DAAWO:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Shirkii Dhuusamareeb | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg DAAWO:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Shirkii Dhuusamareeb

Kulamo is daba joog ah ayaa magaalada Dhuusamareeb caawa ilaa galabta uga socda xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumadda federaalka ee ku sugan magaaladaas iyo hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, sida Macalin Maxamuud iyo Sheikh Maxamed Shaakir.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in kulamadaas looga arinsanayo sidii dowladda federaalka looga wareejin lahaa maamulidda shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, oo ka socda xarunta loo asteeyay ee Shiirkole, oo haatan ay ku shirsanyihiin ergo mataleysa dhamaan beelaha Galmudug,

Ahlu-Sunna iyo xildhibaanada mucaaradka ah ayaa doonaya in arrimaha dib u heshiisiinta loo madax baneeyo odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda beelaha ku mideysan maamulka Galmudug.

Xildhibaanada la kulansan hoggaamiyaasha Ahlu-Sunna ayaa kala ah, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare Senetor Abshir Bukhaari, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Senetor Cabdi Qeydiid, Xildhibaan Mahad Salaad, iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xog ay heshay Khaatumonews  ayaa sheegeysa in xildhibaanada mucaaradka ah ee ku sugan Dhuusamareeb  ay qorsheynayaan hadii ay ku guul dareystaan in odayaasha dhaqanka loo madax baneeyo  shirka dib u heshiisiinta inay sameeyaan guddi iskugu jira xildhibaanada iyo ergada shirka, kuwaas oo ay doonayaan inay wadaan geedi socodka shirka.

Waxaan la saadaali karin saameynta uu shirka ka socda Dhuusamareeb ku yeela karo go’aanka xildhibaanada mucaaradka ah iyo hoggaanka Ahlu-Sunna ee ah in Xukuumadda Federaalku ay arimaha shirkaas u madax baneyso odayaasha dhaqanka.

Xukuumadda federaalka oo iyadu gacanta ku heysa shirka dib u heshiisiinta ayaa doonaysa in lagu soo gaba-gabeeyo muddo Shan maalmood ah, sida uu horay uga dhawaajiyay Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya, halka Ahlu-Sunna iyo xildhibaanaduna ay doonayaan in shirkaas la siiyo fursad ay isku saamixi karaan beelaha Galmudug, kuwooda wax kala tabanaya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...