dahabshiil

Deg Deg::khilaaf Ka Dhex Qarxay Madaxda Kenya.

Sida uu daabacay wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxa uu haatan khilaaf xoogan oo ka dhashay kiiska Badda uu soo kala dhexgalay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo wasiiraddiisa arrimaha dibadda Monica Juma.

The Star oo soo xiganaya mas’uul ka tirsan madaxtooyada dalkaasi ayaa sheegay in Monica lagu heysto sida ay u wajahday arrinta Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya iyo sida ay ula dhaqantay dowladda Itoobiya.

Wargeysku waxa uu sidoo kale warbixintan ku sheegay in wasiirada lagu eedeeyey in ay magacawday diblomaasiyiin aan xirfad laheyn.

Sidoo kale waxyaabaha ugu culus ee lagu heysto waxaa ka mid ah in siyaasadda arrimaha dibadda ay ku fashilantay, islamarkaana ay Kenya u nugushay in labo jeer ay fagaarayaal caalami ah ku guul dareysato sanadka soo socda.

Eedeynta koowaad waa arrinta Badda oo Monica Juma lagu eedeeyay in qaab aan waafaqsaneyn diblomaasiyadda ula dhaqantay Soomaaliya, islamarkaana ay gaartay go’aanno culus, iyada oo aan la tashi la sameyn Madaxtooyada Kenya.

Midda labaad ayaa ah kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo sanadka dambe kula tartameyso dowladda Jabuuti.

Ugu dambeyn Juma ayaa lagu dhaliilay in ay si shakhsi ah u weerartay dalka Itoobiya oo saaxib la ah Kenya.

Dhinaca kale wargeyska ayaa qoray in sidoo kale lagu dhagan yahay xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, Macharia Kamau.

Xoghayhaya ayaa isna lagu eedeeyay in uu dhawr jeer warbaahinta ka hadlay, islamarkaana uu ku dhawaaqay go’aanno aysan dowladdu raali ka ahayn .

The Star wuuu sheegay in aysan arrintan farxad gelin Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo labadaan qof u arka kuwa ku ciyaaray doorkii diblomaasiyadeed ee Kenya.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo marar badan dowladda Kenya ay qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya oo uu haatan kala dhexeeyo muran dhinaca Badda ah, kaas oo ay dacwaddiisu ka furan tahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=16769

Posted by on Sep 7 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841