600 In Farmaajo Cadaawad Gaar Ah U Qabo Ogaden iyo Jubaland Waatan Cadeentu, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

In Farmaajo Cadaawad Gaar Ah U Qabo Ogaden iyo Jubaland Waatan Cadeentu,

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa Dadka Siyaasada Falanqeeya waxay Sheegen In Dagaalka uu kula jiro Jubaland Ay tahay Cadaawad Gaar ah oo Qabilaysan in uu U hayo Balse aysan Ka ahayn Siyaasad iyo Dano kale.

Falan qeeyaasha Siyaasada ayaa Aaminsan In Farmaajo Dagaalka Jubaland uu ku hayo ay tahay Sidii uu u Wiiqi Laha Awooda Ogaden iyo Jubland oo U arko in Ay Halis ku tahay Beesha uu ka soo jeedo Ee Mareexan.

Sidoo kale MD Farmaajo Ayaa Aaminsan in Uu Awoodda Dawlad Nimo ee u hada Gacanka ku hayo uu Uga Faa iideeyp Beeshiisa ISlamarkaana uu Meel ka saaro Xukumada Jubaland Una Gacan galiyo Rag wax ka badela Sidan Haatan Jubaland tahay.

In Madaxweyne Farmaajo Cadaawad Gaar ah u hayo Jubaland Waxaa Cadeen uu ah,

Madaxweyne Farmaajo Doorashadii Puntland waxaa Xasuus mudan in Xukumadiisa Laga Mamnuucay Deegaanka Puntland Iyo in ay ka soo dagan Garoomada Puntland Inta Doorashadu Socoto waxaana xusid mudan in wasiiro iyo madax Dawlada ka socota Laga Caliyay Garoomada puntland islamarkaana iyadoo ciqaabta intaa leeg Puntland marisay Hadana uu madaxweyne Farmaajo ka soo Qeyb Galay Caleema Saarkii Madaxweynah puntland aqoonsadayna doorashadii uu dibad jooga ka ahaa.

Hadaba In Farmaajo U qabo Cadaawad Gaar ah oo Qabiilaysan Jubaland Maxay tahay Sababta uu U yidhi Maanaan Aqoonsan Doorashada Jubland?

Jubaland Intii Ciqaab Puntland Marisay in leeg ayay Marisay Xukumada Farmaajo Maxay tahay Sababta Uu Doorashada Puntland ee aanu Waxba kala Socon U aqoonsaday Tan Jubaland ee iyana aanu Waxba Kala Socon u yidhi Ma aqoonsani taasi waxaan Filaya Jawaab uma Baahna.

Isku soowada duubo waxaa La sugaaba waa Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo in Farmaajo Isku Cadeeyo Qormadan iyo In uu Sidii puntland uga soo Qeyb galo.

Kala Soo Xiriir Khaatumonews What’s Appka +4673576942

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...