600 Dhulbahantaha Taageersan Khayre iyo Farmaajo Fadlan Ka jaawaab Su aalahan Saan Kula Taageero, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Dhulbahantaha Taageersan Khayre iyo Farmaajo Fadlan Ka jaawaab Su aalahan Saan Kula Taageero,

Waxaan Arkay Shaqsiyaad Ka Soo jeeda Gobolada SSC ee Khaatumo Kuwaaso Usacabiya Xukumada Fadaraalka Ee U Hogaamiyo madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare xasan cali khayre.

Ma xuma In Qofku taageero Dawladiisa Laakiin taageeradu waxay Ku Timaada Macno ee in Qofku ahaado Guul Wadde Iska jaah wareersan oo aan kala Aqoon waxa uu u sacab tumaayo iyo Waxa kale waa Masiibo Maskixiyan ah.

Gobolada SSC Sool sanaag cayn Waa gobollo ay Ku Nool yihiin Shacab soomaliyeed oo jecel in Dalka Soomaaliya Lahaado dawlad Xoog badan lahaado Xukamad Loo Dhan yahay oo sooamali oo dhan Midaysa,

Shacabka Khaatumo waa Shacab Aan lahayn Qabyaalad oo Ka Calool Xaadhan Cunsuriyad.

Reer Khaatumo waa Dadka kaliye Soomaali isugu mid u tahay,

Hadaba Dadkii saas ahaa ee Midnimada soomaaliya Jeclaa ee Dawlada Soomaaliya Jeclaa Waxaa weerar ku soo qooday Kuwo Soomaali Diid ah Waxaana Hadh iyo Habeen Lagu Dilayaa Magaca soaomaliya Waxaa lagu Cabudhinayaa Magaca soomaaliya.iyo Taageerada ay u hayan Kuwa aan U Ogayn,

Xukumada Khayre iyo Farmaajo waxay Dhaqaalle Lacag Mashaariic ladaba taagan tahay Kuwii Dilay ee Cabudhinaayay Reer Khaatumo kuna Dilaayay Magaca Somaliweyn.

Wiilka Iyo Gabadha Jibaysan ee Ka soo jeeda khaatumo ee u jibaysan Farmaajo iyo Khayre iiga Jawaab Su aalahan aan kula taageero Farmaajo.

1-Ma haysa Mashariic Ka socota Fadaraalka Farmaajo oo Dhulka SSC Laga Hirgaliyay.

2-Mahaysa Wado Kaliya oo Hal Kiilo Mitir ah oo Farmaajo Ku Dhisay.

3-Mahaysa Meel Uu hal Maalin Ku Soo hadal Qaaday Shacabka SSC Farmaajo oo u ku leeyhay dadkaasi waa Dad La dulmiyay ama uu Kugu Bogaadiyay Midnimada somaliya iyo Taageerada aad u hayso,

4-Mahaysa wax Dan ah oo Sadex sano iyo badhka Farmaajo Joogo uu ku qabtay ama Ka qabtay Madaqada aad dagan tahay ee ssc.

5-Mahaysa Meel Farmaajo Markii shacabka Reer Khaatumo Dhiig Baxaayay ee tukaraq dagaalku ka soctay meel uu Tacsi ugu Soo Diray,

6-May haysa wax aan ku taageero Farmaajo oo ka muuqda Dhulka SSC,

Lixda Su aalood iiga jawaab taageeraha Jibaysan Ee Xukumada Nabad iyo Nolol Ee Ka soo jeeda SSC.

Hadaan inta kaga imaado Su aalaha Ninka Gaalka cad ah ee Aan ilaahayba Rumaysneen Marka uu Cod sinaayo Musharax Madaxweyne Tusaale Maraykanka Marka Madaxweyne Xil isku Soo taago Boqolaalka Milyan qofkasta ninkaa musharaxa ah wuxuu ku taageera Muxuu noloshaada ka Badali kara qofkani ee Kuma taageero Qabil,Jacayl Gaar ah Jibo iyo dadkuba waa taageersan yahay,

Ugu Danbayn Shacabka Khaatumo waxaan Leeyahy Cidlo haku Liin Bixina oo Dan muxuu U haya Farmaajo iyo Khayre Is weydiiya SSC,

Kala Soo Xiriir Khaatumonews What’s Appka +4673576942

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...