Magaalada dhumay ee Gobolka sool waxaa dhawaan dagaal Beeleed Xoogan oo sababay Dhimashada ugu yaraan lixdan Qof uu ku dhexmaray beelaha Qayaad iyo Bahrarsame Ee Dhulbahante.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dagaalkan ayaa sabababay In Deegaanka Dhumay Gabi ahaanba Gubto islamarkaana magaaladu e eekaado Meel Degel Gubtay oo kale ah waxayna taasi sababtay in Dhumay oo Labada Beelood wada Daganaayen In Ay Mid kamid ah Beelihii Ku Dagaalamay isaga Baxdo.

Colaada Dhumay oo markii hore ay ka shaqaysay Somaliland ayaa Nabadeenteeda waxaa galay dawlad deegaanka soomaalida itoobiya iyo Beesha Daarood Iyadoo Nabadeenta Labada Beelood Laga Mamnuucay Beelaha dhulbahante iyo Somaliland loona arkay in ay yihiin kuwo Qeyb ka ah colaada islamarkaana aan daacad ka ahayn Nabada.

Hadaba Nabadeentii halkasi maraysay ee Loo Balamay Dhamaystirkeeda lagana war sugaayay Xukumada Itoobiya iyo Beesha Daarood ayaa waxaa Docda ka soo galay Xubno Kamid ha Kuwii isku diray beelaha Oo U Hogaaminaayo Gudoomiyaha Sool ee Somaliland Cabdiqani Jiidhe iyo Taliyaasha Maleeshitada Dhulbahnte laascaanod ku sugan.

Somaliland ayaa wada in mar kale Colaad ka qaraxdo Sool iyo Dhumay waxayna wada qorshe deegaanka dhumay la isugu keenaayo dadkii Ku kala qaxay iyadoon La kala Bogsan oo Sidii la isku dilay loo kala maqan yahay.

Qorshaha Colaad Hurinta Dhumay ee Somaliland ayaa ah In Colaada Isaaq Ka dhex oogan Lagu Qariyo islamarkaana la sameyo meel kale oo lagaga mashquullo Xiisada Caare iyo Beesha Garxajis.

Si kastaba ha ahaate Beesha Daarood iyo Xukumada Dawlad Degaanka soomaalida itoobiya oo Hawshan Gacanta ku haysay waxaa loogu Baaqaya in Ay Dagdag wax uga qabtan Faro galinta iyo Doc Faruurka SNM Kawado Nabadeenta Dhumay,

Kala Soo Xiriir Khaatumonews What’s Appka +4673576942