Daawo:Afhayeenka Cuqaasha Buuhoodle Oo Dagaal Habar Jeclo Iclaamiyay

maqal iyo muuqaal Wararka

Cheif Caaqil Maxamed Cabdi Jamaac Halac ahna Caaqilka Beesha Caraale Mahad Ee Dhulbahante ayaa Ka hadlay sadex nin oo Beesha Habar Jeclo Ka dishay Qoyska uu Caaqilka u yahay islamarkaana laga aqbali waayay Wax ergo ah,

Caaqilka ayaa sheegay In uu Dilka sadexna Nin Isku dayay in uu si nabad ah ku dhameeyo balse beesha Habar Jeclo ay iska dhago Martay diidayna in ay ka jidbaxdo.

Cheif Caaqil Maxamed Cabdi Jamaac Halac ayaa Iclaamiyay Aargoosi ay samayso Beesha uu caaqilka u yahay Islamarkaana waxaa uu Ka digay Gaadiidlayda Maraysa Jidka Burco iyo Buuhoodle isku xidha ee Mara qorilugud in ay Jidkaasi maran Maadaba oo nabadii faraha ka baxday.