Deg Deg:Axmed Madoobe Oo Marti Qaad Ka Helay Madaxweynaha Kenya,

Xog ay heshay Khaatumonews ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu ku wajahan yahay Dalka Kenya.

Ilo lagu kalsoon yahay Madaxtooyada Kismaayo ayaa noo sheegay in Madaxweyne Madoobe uu Nairobi aadi doono.

Ujeedka Axmed Islaam Ee Kenya ayaa ah Marti Qaad uu ka helay Madaxweynha Kenya,maadaama go’doon la geliyey maamulkiisa Dawlada Soomaaliyana ay cadaadis saartay.

Warar ayaa sheegaya in Diyaarad Meliteri ay Kenya usoo direyso Hogaamiyaha Jubbaland,si ay uga baajiso Transit-ka Muqdisho waxaana la fahansan yahay in Xukuumada Nairobi ay taageero weyn umuujineyso Axmed Islaam.