600 Deg Deg:Dawlada Somalia Oo Shaacisay Arrin Aysan Waxba Ka Qaban Karin Oo Muqdisho Ka Taagan, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Dawlada Somalia Oo Shaacisay Arrin Aysan Waxba Ka Qaban Karin Oo Muqdisho Ka Taagan,

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa shaaciyey in xukuumadda federaalka aysan ka hortagi karin dakhliga ay Al-Shabaab ka hesho magaalada Muqdisho.

Beyle oo la hadlayey wargeyska caanka ah ee Washington Post ayaa qiray in dowladdu aysan laheyn awood ay ku joojiso dhaqaalaha faraha badan ee kooxda Al-Shabaab ka hesho gudaha Caasimada.

“Waa xaalad cabsi ah, ma heyno awood aan ku wajanho arrinaasi” ayuu yiri wasiir Beyle, isagoo ku sugan dalka Japan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalyahannadooda ay joogaan meel kasto, iyaga oo isku ekeysiinaya shacabka.

Dhibaatada waa mid hal nooc ah Al-Shabaab waa Soomaali, sida aniga ama qof kale meel walba ayey joogaan, waana naga mid yihiin” ayuu hadalkiis sii raaciyey.

Al-Shabaab ayaa malaayiin Doller sanad kasta ka hesha Muqdisho, iyadoona canshuur ka qaada dekedda iyo ilo kale oo muhiim ah.

Sdioo kale waxay lacago Zakawaat ah iyo Canshuur ka qaadaa ganacstada oo tega deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Hadalka ka soo baxay wasiirka Maaliyadda oo ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus xukuumadda ayaa dhabar jab ku ah dowladda federaalka, sidoo kale wuuxuu niya-jab ku sii ridayaa ganasatada Soomaaliyeed.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...