600 Deg Deg:Cabdirashiid Xidig Oo Wadahadal La Furay Axmed Madoobe.iyo Balan Qaad Loo Sameeyay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Cabdirashiid Xidig Oo Wadahadal La Furay Axmed Madoobe.iyo Balan Qaad Loo Sameeyay

Senator Iftin Xasan Baasto iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhex dhexaadin ka bilaabay khilaafka u dhaxeeya Xildhibaan Cabadirashiid Maxamed Xidig iyo Axmed Maxamed Islaam, oo labadooduba sheegtay Madaxweynaha Jubbaland.

Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Xubnahaan ay la kulmeen labada masuul islamarkaana lagu jiro gor gortan iyo doodo kulul.

Axmed Madoobe ayaa guddiga u balan qaaday in uu bixin doono lacag iyo balan qaad ku saabsan soo laabashada kursiga Xildhibaanimo ee Xidig ee baarlamanka cusub ee Soomaaliya ee la dhisayo 2020..

Cabdirashiid Maxamed Xidig oo 2 jeer kulan lala qaatay ayaa wali go’aan ka gaarin arrimaha loo soo bandhigay waxaase la sheegay in uu yiri “Axmed balan malahan iyo isku haleyn”.

Dadka aan la hadalnay oo qaarkood ay ka tirsan yihiin Guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in maalmaha soo socda ay dhammeeyaan Khilaafka Jubbaland ee 3-da Madaxweyne, islamarkaana ay kadib u istaagi doonaan sidii loo dhameyn lahaa kan dowladda iyo Jubbaland.

Axmed Maxamed Islaam, oo todobaadkii hore sheegtay inuu mar kale ku guuleestay hogaanka Jubbaland ayaa u muuqda mid ka sii dhaxbaxaya culeesyadii uu wajahayay, isagoo inta badan la heshiiyay xubnihii mucaaradka ku ahaa markii laga reebo kuwii ugu tunka weynaa ee Seeraar, iyo Xidig oo uu hadda wadahadal kula jiro.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...