Deg Deg Daawo::Ciidamada Somaliland Oo Xidhay Goob Ganacsi OO Itoobiyan Kulaha Burco
Ciidamada booliska magaalada Burco ayaa albaabada isugu dhuftay maqaaxida laga cunteeyo ee Warsan, oo lagu sameyn jiray cuntada Itoobiyaanka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Ciidanka ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay dadkii Itoobiyaanka ahaa ee halkaasi ka shaqeynayay.
Culimada gobolka Togdheer ayaa la sheegay in ay meheraddan ku soo eedeeyeen in Musica lagu dhagaysto sidoo kalana ay is dhex fadhiistaan ragga iyo dumarka meesha wax ka cuna.
Magaalada Burco ayaa waxaa aad ugu yar goobaha laga cunteeyo ee laga helo cunto Itoobiyaanka, waxayna tani ka mid ahayd meherada tirada yar ee cuntadaas laga helo.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=16572