Cabdirashiid Janaan Oo Ay Ku Dhacday “”Walaasha Iskuma Hubtiye Seediga Ha Isaseegina””

Booliiska Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirkii Hore amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan,

Wasiir Cabdirashiid Janaan ayaa Bishii Lixaad ee Sanadkan Ka soo Fakaday Jubaland isagoo wasiir ah Islamarkaana waxaa uu iska soo dhiibay Xamar .

Qorshaha uu Xamar ku yimid Wasiirkii Hore Amniga jubaland oo ay isku Beel yihiin Madaxweyne Farmaajo waxaa ka danbeeyay madaxweyne Farmaajo oo xiliga islahaa Aad u adeegsati Cabdirashiid Janaan Madaxweyne Axmed Madoobe,

Cabdirashiid Janaan oo Dacwad ka taalay Maxkamada Muqdisho ayuu Farmaajo u balan qaaday in Dacwada laga Baabin Doono islamarkaana uu isaga yimaado maamulka Axmed madoobe .

Cabdirashiid Janaan waa aqbalay in uu ka yimaado Kismaayo waxaana uu soo galay Muqdisho sidii balantu ahaydna waxaa laga baabiyay Dacwadii loo haystay iyado Farmaajo adeegsanaayo Awooda Dawlada waxaana uu sharci ka dhigay Madaxweyne Farmaajo nin hore danbi uga yaalay Maxkamada in uu danbigaa kaga dhaafo dano isaga khaas u ah.

Farmaajo Wax Dan ah Uguma fadhiyin Danbiyada kayaala Maxkamada Cabdirashiid janaan balse waxaa la muhiimsaneed in uu helo Shaqsi kamid ah Maamulka axmed madoobe si uu ugu carqaladeeyo.

Madaxwyen Farmaajo Waxaa uu Hor Dhigay Cabdirashiid Janaan Markii uu xamar yimid in uu kismaayo Tago Islamarkaana wax ka badelo qorshaha axmed madoobe isagoo lasafan dawlada somaaliya.

Nasiib daro Cabdirashiid awood iyo samayn toona malahayn kaliya waxaa uu ahaa nin shaqsi ah oo ku shaqeenaayay Awooda iyo Talada Axmed madoobe waxayna taasi Farmaajo Tustay in Cabdirashiid Janaan aanu awood ulahayn in uu kismaayo ku laabto iskabadaa adeegsi kale waana ta keentay in Mar kale Dacwadii laga Baabiiyay Cabdirashiid Janaan maanta Loo xidho markuu uu yeelan waayay wax macno ah.

Si kastaba ha ahaate Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta qosol u eeg yahay marhadii Wasiirkii ka cararay Kismaayo ee Qabiilnimada ula saftay Farmaajo maanta kii uu La safnaa xabsi udiray.

Kala Soo Xidhiidh Xafiiska Khaatumonews.com

Whats App–+46735769421