Farmaajo Oo Cidiyaha Kula Diriraya Jubaland iyo Go aan Lagu Qoslo Oo Ka Soo Baxay

Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku saabsan in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Go’aankan ayaa la xiriira waxay ugu yeedhen hubinta iyo koontaroolka diyaaradaha ka dega Kismaayo, iyadoo kol hore maamulka Jubbaland uu soo saaray amar uu kaga mamnuucay diyaaradaha inay ka soo degaan garoonka Kismaayo, intii lagu guda jiray doorashadii Axmed Madoobe.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlaha la socodka Hawada Soomaaliya ee ay maamulkeeda gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in go’aankan uu yahay mid lagu hubinyo dhaq dhaqaaqyada diyaaradaha ka dega Kismaayo oo aan waxba laga ogeyn.

Xog Ay Heshay Khaatumonews ayaa sheegaya in Go aankaasi la doonaayo in Lagu Curyaamiyo Caleema Saarka Madaxweyne Axmed Mdoobe.