
Ururka Ahlu-Sunna Waljamaac ayaa goordhow magaalada Dhuusomareeb uga dhowaaqay inuu buray heshiiskii u dhaxeeyey ayaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Ahlu-Sunna ayaa ku eedeysay dowladda inay mas’uul ka tahay burburka ku yimid heshiiskii labada dhinac, kadib markii ay ciidamo kusoo daabushay magaalooyinka Galmudug.
Sidoo kale Ahlu-Sunna ayaa dowladda dhexe ku eedeysay inay Dhuusamareeb kusoo daabuleyso saraakiil iyo ciidamo sida ay sheegeen Shabaab ah.
Dhanka kale Ahlu-Sunna ayaa sheegtay inay AMISOM ka xaqiijisay inaysan ku lug yeelan doonin carqaladda ay sheegeen inay dowladdu ka wado gobolada dhexe gaar ahaan magaalada xarunta u ah Galmudug ee Dhuusamareeb.
Ahlu-Sunna ayaa ugu baaqday ciidamadeeda iyo shacabka Galmudug inay u diyaar garoobaan inay difaacdaan naftooda, maalkooda iyo nabaddooda.

55 total views, 1 views today