600 Daawo:Axmed Madoobe Oo Gacanta Ku Dhigay Xubno Kamid ah Musharixiin Ka Soo Hor jeeday. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Daawo:Axmed Madoobe Oo Gacanta Ku Dhigay Xubno Kamid ah Musharixiin Ka Soo Hor jeeday.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa xalay Madaxtooyada ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul iyo Cabdiqaadir Cabdirahmaan Khaliif oo kamid ah Siyaasiyiinta ka soo horjeeday Madaxweynaha Xiligii Doorashooyinka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hadaba Sheek Shakuul aayaa Warbixinta uga hadlay Kulanka dhexmaray Axmed Madoobe iyo Waxyaabaha uu daaranaa.

Waxaa maanta Aniga iyo qaar ka mid ah musharaxiinta isbeddekdoonka jubbaland aanu ka qayb galnay xaflad aan ku daahfurayney barnaamijka dib u heshiisiinta Jubbaland. Waxaa rag aan ka mid ahay oo ka tirsan isbeddel doonka Jubbaland u muuqtay inaan ka shaqeyno isu soo dhawaynta isbeddeldoonka iyo maamulka, oo la wada hadlo lagana wada tashado mustaqbalka jubbaland, isla markaasana miis intii la wada fariisto in wax kasta miiskaas dushiisa looga hadlo laguna xalliyo.

Ma jiro wax la dhaho isdhiibid, mana aanaan ka tanaasulin mabda’iidii isbeddel doonimo, cidina nagama saari karto, waanan difaacaynaa dadaalka isbeddel doonka laakiin waxaan marnaba noo cuntami karin in 3 madaxweyne dhawr kiilomitir gudohood ka wada jiraan, taasoo aynu ognahay inayna suurtogala ahayn oo dhib wayn ka imaan karo, sida dhiig daata, Qax, barakac iyo burbur kale oo baahsan.

Kama aanaan hadal tanaasul, maslaxo gaar ah, aqoonsi doorasho, hambalyo madaxwayne iyo ku biirid maamul toona. Taas ma aha hadafkayga umana socon middaas hadda.

Waxaan tilmaanay ahmiyadda heshiiska iyo sulxigu u leeyahay ummadda iyo ahmiyadda ay leedahay midnimada shacabku iyo waxa ay diintu ka tiri arrinkaas.

Waxaan ugu baaqnay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Jubbaland inay ka qayb qaataan barnaamijka dib u heshiisiinta.

Sidoo kale dawladda federaalka iyo beesha caalamka u soo gurmadaan sidii ay Jubbaland uga dhici lahayd dib u heshiisiin dhab ah.

Intaas ka dib, caawa waxaan la kulanay Mudane Axmed M. Islaam, oo kala hadalnay inuu dib u heshiisiinta ka soo qayb galo aad ayuuna u soo dhaweeyey, waxaana noo qorshaysan inaan la kulano Mudane C/Nasir Seeraar, Mudane C/rashiid Xiddig iyo Musharaxiinta kale ee Isbeddeldoonka ka mid ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...