600 Deg Deg:Khayre iyo Farmaajo oo wada Isku shaandhayn | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Khayre iyo Farmaajo oo wada Isku shaandhayn

Ilo xo-ogaal ah oo ku sugan magaalada Mogadish ayaa sheegaya inuu jiro isku shaandhayn lagu samaynayo golaha wasiirada ee xukuumadda NN maalmaha soo socda, arrintan ayaa imaanysa kadib dhacdooyin dhawr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga iyo siyaasadda oo xukuumadda NN dhaliilo badani kaga yimaadeen bulshada iyo dalalka shisheeye ee ay gacansaarka dhinaca nabad galyada ka leeyihii.

Tan iyo wixii ka danbeeyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu khaarajiyey guddoomiyihii gobolka Engineer Yariisow madaxda sare ee xukuumadda Nabad iyo Nolol waxay ilahani sheegeen in aanay u kala kicin shirar albaabadu u xidhan yihiin, taasoo laga dheehan karo go’aamada soo baxaya inay yihiin kuwo meelo badan oo dawladda ah saamaynaya isbedelkii lagu sameeyey hay’adaha amniga ee Booliska nabad suggidda, militaryga iyo asluubta.

Go’aamadii ugu danbeeyey ee xukuumaddu isbadelada ku samaysay ayaa ay u cuskatay habac ku yimid laamaha amniga iyadoo dhanka kalena la saadaalinayo inuu dhaco isku shaandhayn weyn oo dhanka golaha wasiirada ah, maadaama arrimaha siyaasadda ee Nabad iyo Nolol ay dadka xog-ogaalka u ahi tilmaamayeen in siyaasad ahaan xubno badan oo ka mid ah golaha xukuumadda iyo madaxda sare ay kala aragti siyaasadeed yihiin.

Ilaha xog-ogaalka ahi waxay sheegayaan wasiirada sida weyn uga aragtida duwan madaxda sare ee dalka ee golaha Khayre ku jira ayaa u badan wasiirada isku haya Xildhibaanimada iyo Wasiirka. Xildhibaanka Wasiirka ah ayaan u dhaqmin inuu wasiir yahay oo lala xisaabtami karo. habdhaqanka wasiirada xildhibaanada ayaa la tilmaamay in ay shaki kala geliyeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo keeni karta in ay siyaasadda ku kala leexdeen maadaama wasiiro badani ay si kale wax u wadaan.

Sida ilaha xog-ogaalka ahi sheegeen wasiirada qaar badan oo lagu wado in ay golaha wasiirada baxaan ayaa maamul goboleedada ku xiran, halka madaxda dawladda ee sare ay kala go’an yihiin maamul goboleedada qaarkood.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...