600 Deg Deg::-Diyaarado Ciidan Wada Oo Ka Degay Hada Xarunta Maamulka………….. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::-Diyaarado Ciidan Wada Oo Ka Degay Hada Xarunta Maamulka…………..

Illaa labo diyaaradood oo siday ciidamo Boolis ah ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo tiradooda aan la shaacin ayaa saaka aroortii hore laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Khaatumonews ciidamadani oo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ayaa lagu kordhiyey ciidamada ilaalinaya ammaanka garoonka Dhuusamareeb oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Ahlu Sunna ay uga digtay qorshaha Ciidamada dowladda lagu geynayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Sidoo kale saacadaha soo socda la filayaa in magaaladaasi ay gaaraan wufuud ka socota dowladda, kuwaas oo ka qeyb galaya furitaanka shirka sib u heshiisiinta Galmudug.

Shirkan oo muhiim u ah in la qabto doorashada Galmudug ayaa waxaa jira khilaaf hareeyey, kaas oo soo kala dhexgalay guddiga ay dowladdu u saartay shirkaasi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...