600 Deg Deg Daawo:PUNTLAND Oo Marti Galinasa Shir Beesha Hawiye Ku Qabsan Kari Weyday Muqdisho, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:PUNTLAND Oo Marti Galinasa Shir Beesha Hawiye Ku Qabsan Kari Weyday Muqdisho,

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdillaahhi Deni ayaa furay shirka labaad ee Doodadaha Xagaaga, kaasoo sanadkii labaad lagu qabtay magaaladda Garoowe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shirkaan oo ahaa mid ballaaran, waxaa Madaxweynaha ku wehlinaayey Siyaasiyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Madaweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Goleyaasha heer Faderaal iyo heer dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda dhexe, Aqoonyahano, Cilmi Baarayaal iyo Marti sharaf kale oo isugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni oo khudbad in ka badan 20 daqiiqo socotay shirka ka jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda dib u heshiisiintu u leedahay Ummadda Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah arrimaha looga hadlayo Dooda Xagaagan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doodu ay tahay wax wanaagsan, isla markaana ay ka dhalankarto in la heshiiyo, waxaana uu ballan qaaday wixii kasoo baxa doodan in Puntland ay fullindoonto.

“Sharaf wayn bay u tahay Dowladda Puntland inay kulamada noocaan oo kale ah martigaliso, waxaana ku baaqaynaa kulamada geedi socodka Soomaaliya looga hadlayo inay Puntland aad u soo dhawayso. Waxaana jeclaan lahaa halkaan inaan maanta ka sheego inay Puntland diyaar u tahay inay marti galiso qodobada aadka looga doodo oo mar walba soo noqnoqda oo la yiraahdo maqaamka Muqdisho in Garoowe looga hadlo ayaan soo dhowaynayaa”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland iyo Machadka SIDRA oo qabsoomidda Shirka iska kaashaday, waxaaana uu tilmaamay inuu rajo wanaagsan ka qabo inay ka soo bixidoonaan qodobo kayd u noqondoona Ummadda Soomaaliyeed.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Muqdisho Mucaaradka Oo Ku Baaqay Banan Bax Kale
- Feb 22, 2021
MucaaradkaA Dawlada Federaaalka Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Baaqay Banan Bax Kaa Dhaca Muqdisho https://www.youtube.com/watch?v=4yj_VpyAjwE&t=31s
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ugu Furay Villa Somali Madaxda DF Dawlada Goboleedyad
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Si rasmi Ugu Furmay Vilaa Soomaaliya Shirka Madaxda dawlada Federaalka Soomliya Iyo ...
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...