600 War Culus Oo Ka Soo Kordhay Kiiskii Badda Ee Soomaaliya iyo Kenya | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Culus Oo Ka Soo Kordhay Kiiskii Badda Ee Soomaaliya iyo Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday ka qeyb galka kulan is xog wareysi ah oo ku aadanaa kiiska badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu soo qaban qaabiyey guddi ka mid ah ururka Midowga Afrika.

Casuumaad toos ah oo Soomaaliya uga timid ururka ayaa waxaa ku gacan seertay xukuumadda federaalka, sida ay ogaatay Warbaahintu,

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ku taariikheysnaa 21-kii bishan ku sheegtay in aysan ka qeyb geli karin shirkaasi, islamarkaana dacwadda labada wadan ay hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in aysan geli doonin wax gor gortan ah, islamarkaana ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu guul dareysatay tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya oo ay qaaday, si ay cadaadis ugu saarto inay ka laabato kiiskaasi.

ICJ ayaa la filayaa in ay dib u furto dhageysiga dacwadda labada dal dhammaadka sanadkan 2019-ka.

Fadhiga maxkamadda ayaana ka qabsoomi doono guriga nabadda ee Netherlands 9-ka illaa 13-ka bisha soo socota ee September.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...