Deg Deg:Ciidanka Jubaland Oo Amar Lagu Siiyay Inay Soo Afjaran Xidig iyo Seerar,

Saraakiisha ciidanka Jubaland iyo Masuuliyiinta ugu sareeya Xukumada Jubaland ayaa 24 Saac ee ugu Danbeeyay waxaa ay Ka arrin sanaayen Sidii laga yeelilahaa Labo Danbiile oo laga shidaalinaayo xamar Islamarkaana Doonaya Kismaayo iyo Jubaland inay Foodo iyo khalkhal galiyan.

Cabdinaasir Seeraar iyo cabdirashiid Xidig oo maamulka Farmaajo adeegsanaayo ayaa shalay iyo maanta gudaha kismaayo kaga dhawaaqay in ay yihiin madaxweynayaal.

Khalkhal galinta seeraar iyo xidig kawadaan kismaayo ayaa mudo waxaa dulqaad iyo samir usameeyay madaxweynaha jubaland iyo ciidanka naftood hurayaasha ah ee jubaland.

Ugu Danbayn Go aanka laga gaadhay xidig iyo Seeraar ayaa labo qodob ku soo uruuray.

Labada Qodob ayaa Kala Ah In Ciidamada iyo saraakiisha jubaland Soo AfJaraan Soona qabtan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seerar islamarkaana laga masaafuriyo kismaayo iyo Jubaland.